Saddex Qof oo midi Xildhibaan hore yahay oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Baydhabo.

Inta la ogyahay Saddex qof, ayaa ku dhaawacantay weerar lagu qaaday guri ku yaala Xaafada Wadajir ee magaalada Baydhabo.

Weerarka oo ahaa Bambaano, ayaa lagu tuuray guri uu magaalada Baydhabo ka daganyahay Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KGK-ahaa, kaasoo lagu magacaabo Maxamed Khayr Hiiraale.

Saddexda qof ee dhaawacantay, ayaa kala ah Ex Xildhibaan Macalin Nuur Xasan Ibraahim, waxaana uu ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Dowladdii Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, Nabadoon Maxamed Aadan Nuurow, oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed iyo gabar uu dhalay Ex Xildhibaan Maxamed Khayr Hiiraale.

Saraakiisha amaanka, ayaa Mustaqbal u sheegay in ragga weerarkaas fuliyay ay goobta isaga carareen kahor inta aysan gaarin laamaha amaanka, Waxaana Isbitaalka weyn ee Baydhabo la geeyay dadka dhaawacyada ah.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda diyaar garowga doorashada Madaxtinimo oo dhaceysa 19-ka bishan December, waxaana amniga magaalada door ka qaadanaya Ciidamo Boolis ah oo dowladda geysay todobaadyadii danbe Baydhabo.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Madaxweyne Farmaajo “Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka”

Read Next

Gaas iyo Cameey oo magacaabay Guddiyo isku shaqo ah