RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas
Saacadaha u dhaxeeya Yurub iyo Afrika ayaa sanadkii labo jeer isbaddela, Mar way kusoo dhawaataa oo 1 saac halka markal kale ay dib uga dhacdo isla saacaddii horay loosoo jaray, haddaba goorma ayay dhacdaa? Sideese ayay u dhacdaa?
Axad 30ka Maarso ayaa markii la gaaray 2da habeennimo ee saq dhexe (2:00 AM) waxa ay u dhaqaaqday 3da habeennimo Saq dhexe (3:00 AM), waxaa sidaas usoo jarmay masaafadda saacadda Yurub iyo Afrika oo saacad laga jaray waana waqtiga kuleelaha.
Maanta oo ah 26ka Oktoobar waxaa dib u laabtay saacaddii lasoo jaray todobo bil kahor, wixii ka dambeeyay xalay saq dhexe waqtiga Qaaradda Yurub, markii ay saacaddu ahayd 3da Saq dhexe (3:00 AM) ayaa dib loogu celiyay 2da Saq dhexe (2:00 AM).
Waxaa isbaddelay waqtiyada Salaadaha, Waxbarashada, Shaqooyinka, Cayaaraha & kuwo kale, sidoo kale xiligii kala baddelka waxaa fursad saacad ah helay dadkii fasaxa ku maqnaa halka saacad dheeraad ah u noqotay kuwii shaqada ku jiray oo si gaar ah loogu xisaabinayo.
Dalalka Yurub ayaa xitaa kala fogaanaya saacad taasi oo ku xiran Bartamaha iyo Galbeedka, tusaalaha ugu dhow waa Ingiriiska oo saacad ka dambeeya Dalka Jarmalka, waana waqti xisaabeedka ay ku kala xiran yihiin oo kala duwanaantu ku dhalatay.
Mustaqbal
