Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Dalka Rwanda ee safka hore uga jira waddamada horumaray ee Qaaradda Afrika ayaa u dhaqaaqaya samaysashada hubka Nukliyeerka isaga oo Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka kala kaashanaya hirgelinta riyadaas ku taagan.
Madaxweynaha Dalka Rwanda, Paul Kagame ayaa sheegay in Dalkiisa ay ka go’an sidii uu u samayn lahaa hubkaas oo dalkii leh laga habaysto, waxa uu xusay in uu garab ku siinayo Ruushka oo kamid ah Dalalka horumarka ka sameeyay hubkaas.
Waxyaabaha laga caawinayo Rwanda waxaa kamid ah Tababarrada Cilmi baarista tamarta Nukliyeerka, Teknoolajiyadda, Caafimaad ahaan saamaynta ka dhallan karta & waxyaabaha kale ee muhiimka u ah hubkaas sida hadalka loo dhigay.
Rwanda waxa ay xubin ka tahay Dalalka ku bahoobay Dalladda Bulshada Bariga Afrika, waxa ay horumar ka samaysay dhinacyo kala duwan sida Siyaasadda, Militariga, Dhaqaalaha iyo la jaanqaadka Dunida casriga ah ee Teknoolajiyadda ku dhisan.
Dalal badan oo haysta hubka Nukliyeerka ayaa culays kala kulma Maraykanka kuwaas oo uu doonayo in uu gacmahooda ka fogeeyo hubkaas halista badan, Washington ayaa doonaysa in ay haystaan Dalalka awood ahaan meel iska saaray inkasta oo ay culays ku hayso.
Mustaqbal
