Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mr. Mirko Giulietti.
Kulanka Wasiirka koowaad ee Xukuumadda iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Sida lagu yiri warsaxaafadeed kooban oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
“Ra’iisul Wasaaraha, ayaa Safiirka la wadaagay guulaha ay Xukuumadda DanQaran xaqiijisay iyo sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay gaarto horumar la taaban karo, oo ay hormuud u tahay doorashooyinka dadweynaha talada loogu celinayo,” ayaa lagu sii yiri warsaxaafadeedka ka soo baxay.
Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya Mirko Giulietti, ayaa sheegay in dowladdiisa ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhanka dib-u-heshiisiinta, nabadeynta iyo horumarinta.
Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Safiirka Switzerland ayaa ku soo beegmaya xilli labadii maalin la soo dhaafay uu Wasiirka koowaad ee Xukuumadda uu Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Ahmed Juma Al-Rumaithi, iyo Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya, Mr. Charles Nicholas King.
Kulamadaan is xig xiga uu Mr. Xamsa la yeelanaya wakiillada Beesha Caalamka ayaa si rasmi ah loo ogeyn waxa isku soo beegay, balse Xafiiska Warfaafinta ee Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu sheegay in diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalkaan.
Mustaqbal
