Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda
Kulan ay maanta magaalada Garoowe ku yeesheen Golaha Wakiilada ee dowlad goboleedka Puntland ayay ku go’aamiyeen in xasaanada laga qaado Xildhibaan hore Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Guddoonka kulanka ayaa ku dhawaaqay in38 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Puntland ogolaadeen in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cabdirishiid, halka qof kale ka aamusay.
Cabdirashiid Yuusuf oo hore u ahaa Guddoomiyihii Baarlamaanka Dowlad goboleedka Puntland ayaa wuxuu Laascaanood kaga dhawaaqay inuu iska casilay xubinimada Baarlamaanka Maamulka Puntland.
Cabdirashiid ayaa sheegay inuu ka shaqeynayo howlaha dhismaha maamulka SSC Khaatumo, gaar ahaan sidii gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn u yeelan lahaayeen dowlad goboleed.
Mustaqbal
