Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in maalmihii la maamuusayay todobaadka xorriyadda ay soo bannaanbaxeen fariimo ka yimid Shacabka Soomaaliyeed oo ka qaybgalay munaasabadahaas.
Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in labo fariin ay ugu weyn tahay kuwaas oo kala ah in aysan rabin kala qaybin iyo inay muujiyeen isbaddelka Amni ee ka jira Caasimadda maadaama ay is dhexgaleen Shacab iyo Madax.
“Fariimaha Shacabkeenna ay direen waxaa ka dhex muuqday in aysan rabin kala qaybin & Nabadgalyo la’aan, tani waa fariin muhiim ah” Sidaasi waxaa yiri Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre.
Dhanka kale waxa uu tilmaamay in Dad siyaasiyiin ah ay kala qubqubeen Shacabka Soomaaliyeed isla markaana ay meelo kala duwan ku kala xaraysteen, waxa uu dhinaca kale difaacay ciidanka Federaalka ee jooga Dowlad-Goboleedka Puntland.
Xamsa Cabdi Barre ayaa xusay in uu waajib ka saaran yahay xuquuqda Ciidankaas, waxa uu dib ugu noqday xaaladihii adkaa ee loosoo maray dowlad-dhiska Soomaaliya isaga oo dhinac dhigay isbaddelka togan ee maanta muuqda.
Mustaqbal
