MW Xasan Sheekh “Puntland waxa ay is hor istaagtay 700 ilaa 800 oo Macallin”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dowlad-Goboleedka Puntland ku eedeeyay in ay is hor istaag ku samaysay Macallimiinta qaybta ka ah qorshaha midaynta manhajka Waxbarashada Dalka.

Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in 700 ilaa 800 oo Macalllin oo Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Federaalka ay doonaysay in ay tababar ku siiso deegaannada Puntland si ay wax uga dhigaan Dugsiyada halkaas ku yaalla uu maamulkaas hor istaagay.

Nasiib darro ayuu ku tilmaamay arrintaan, waxa uu xusay in aanay maanta jirin xiriir wadashaqayn oo ka dhaxeeya Dowladda Dhexe ee Federaalka & Dowlad-Goboleedka Puntland sababo la xiriira hoggaanka Maamulkaas oo jaray cilaaqaadka sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan rabnaa in Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa diiday in 700 ilaa 800 oo Macallin oo Macallimiin ka noqonayn lahayd Dugsiyada ka furan Deegaannada Maamulkaas, intaas ka badan lama sii qarin karo” Sidaasi Waxaa yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday walaaca Dowlad-Goboleedka Puntland ay ka muujineyso Ciidanka Federaalka ee jooga Deegaannada Maamulkaas, waxa uu difaacay go’aankaas isaga oo xusay in muddo ay halkaas joogaan ciidamadaas.

Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa is dhaafsaday hadallo siyaasadeed oo loo arko in ay sii kala fogaynayaan labada dhinac oo muddo uu xumaa xiriirkooda siyaasadeed iyada oo labo dhinac ka kala istaagay xaaladda siyaasadda ee dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Muxuu Muuse Biixi ka yiri Aqoonsiga Israa’iil iyo Safarka qarsoodida ah ee Cirro?

Read Next

RW Xamsa “Fariimaha Shacabkeenna ay direen waxaa ka dhex muuqday in aysan rabin kala qaybin & Nabadgalyo la’aan”