Aljeeriya oo dib u furanaysa Safaaradeedii Muqdisho ka dib muddo 40 sano ah
Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynihii 5-aad ee Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa muujiyay sida uu uga soo horjeedo Aqoonsiga ISL, isagoo tilmaamay inuu ka yimid meel aan laga fileyn.
Qoraal uu soo saarey Biixi ayaa sheegay in ay muddo dheer raadinayeen Aqoonsi, balse hadda Natiijada soo baxday ay tahay mid aan la fileyn oo aan qorshaha ku jirin.
“Ictiraaf waynu u baahnayn lakiin wuxuu ka yimid meel aan laga filayn. Iyadoo ay sidaa tahay, haddana, waxaan leeyahay arrinta dhinacyo badan halaga eego, una talo badso, si aan dhexdeena khilaaf uga iman” ayuu yiri Muuse Biixi oo la hadlay Cirro.
Sidoo kale, wuxuu su’aal iska waydiiyay Safarka qorsoodida ahaa Madaxweyne Cirro ku tagey Israa’iil, ka hor Aqoonsiga muranka dhaliyay.
“Waa kow madaxweyne Somaliland ah oo si qarsoodi ah u safra, marka dambena sheega in uu safaro qarsoodi ah uu galay, Safarkaagii u dambeeyay ee rasmiga ahaa waxa aad muddo joogtay dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo aad ka dhooftay, halka waftigaagii wasiiraduna ay iyaguna muddo ku sugnaayeen dalka itoobiya kana dhoofeen Madaxwayne maxaa keenay qarsoodiga iyo qaybsanaanta?” ayuu yiri Muuse Biixi.
Hadalkan adag ee ka soo yeeray Hoggaamiyihii hore ee Maamulka Waqooyi Galbeed ayaa ku soo aadaya xilli la dareemayo Kacdoon dadweyne oo ka dhan ah Aqoonsiga Israa’iil iyo Safaaradda laga furay magaalada Qudus.
Mustaqbal
