Rw Kheyre oo ka qeyb galey shir looga hadlayey amniga dalka.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galay shir looga hadlayay dib u habeynta qorshayaasha Abniga Dalka.

Xasan Cali Kheyre ra’iisul wasaaraha xukumada Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegey in dowladu dadaal badan ku bixisay sidii did u habeyn balaaran loogu samayn lahaa hey’adaha amniga dalka ayna ka go’antahey xukumadiisa sidii loo helilahaa abni la isku haleyn karo.

Shirka waxaa qeyb ka ahaa Wasaarada Gaashaandhiga,Wasaarada arimaha Gudaha,Taliyayaasha Ciidama, Safiirka Cusub ee Mareykanku u soo magacaabay Soomaaliya Amb Donald Yamamoto iyo masuuliyiin kale.

Shirkaan ayaa ku soo aadaya ayadoo maanta magaalada Muqdisho qarax ka dhacey ay dad ku dhinteen kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

 

 

Mustaqbal media

Read Previous

Faahfaahin: Qaraxa Degmada Wadajir

Read Next

AKHRISO:  Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Shirka Dhaqaalaha Badda ee Nairobi.