RW Khayre oo dhagax dhigay Dhismaha Xarumaha Madaxtooyada,baarlamaanka iyo Wasaarada Maaliyada.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Jowhar, ayaa dhagax dhigay dhismaha Xafiisyada Madaxtooyada Hir-shabeelle, xarunta baarlamaanka iyo wasaaradda maaliyadda.

Munaasabadda dhagax-dhigga waxaa goob joog ka ahaa wasiirro, xildhibaanno, agaasimaha guud ee guddiga midawga Yurub u qaabishan iskaashiga iyo horumarinta caalamiga ah, Mr. Stefano Manservisi, madaxwaynaha Hir-shabeelle, Maxamed Cabdi Waare, ku-xigeenkiis iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Madaxwaynaha Hir-shabeelle ayaa dawladda federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicda uu ra’iisul wasaaruhu dhagax-dhigay isaga oo sheegay in fulinta mashaariicdaan ay wax badan kusoo kordhinayso hannaanka geeddi socodka dhismaha hay’adaha kala duwan ee Hir-shabeelle.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xarigga ka jaray dhismaha xarunta tababarka ciidanka Booliiska ee magaalada Jowhar, si loogu bilaabo tababarka ciidanka Booliiska Hir-shabeelle.

Arimahan, ayaa waxey qeyb ka ahaayeen heshiisyadii ay kala saxiixdeen dowladda dhexe iyo maamulka Hirshabelle, markii Madaxweyne Waare lagu qanciyay inuu iska diido go’aanka Maamul Goboleedyada ay xiriirkii ugu hakiyeen dowladda.

http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/http://www.dhacdo.org/wp-content/uploads/2018/10/

Mustaqbal media

Read Previous

Aqalka sare oo ka digay faragelinta doorashada KGS.

Read Next

NISA oo sheegtay iney qbateen Shabaab qarax diyaarinayay.