Ruushka oo Dagaalka Ukraine u adeegsaday Dhallinyaro u dhalatay Kenya, Uganda & Nigeria

Muuqaallo ku baahay Baraha Bulshada waxaa kasoo muuqday mid kamid ah Dhallinyarada kasoo jeeda Qaaradda Afrika oo ka sheekeeyay sida uu qayb uga noqday dagaalka Ruushka uu kula jiro Ukraine isaga oo bixiyay macluumaad kale.

Ninkaan ayaa sheegay in ay ka kooban yihiin Dhallinyaro u dhalatay Dalalka Kenya, Uganda & Nigeria isaga oo ku hadlayay Afafka Ingiriiska iyo Sawaaxiliga, waxa u qiray in lagu qiyaamay dagaalka ay ku jiraan sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay in fursadda keliya ee u furan in ay tahay inay ku dhintaan dagaallada ay kula jiraan Ukraine maadaama la diidan yahay in xogtooda la helo sida ay sharraxaan cidda shirqoolka u dhigtay, meela la dejiyay iyo macluumaadka kale ee Miliatari.

“Waxaa nalagu qiyaamay Dagaalka Ukraine innaga oo ka kala nimd Kenya, Uganda, Nigeria iyo meelo kale, 95% fursadda keliya inoo furan waa in aan dhimano, arrinteennu ma fududo waxaana joognaa meel colaad badan” Sidaasi waxaa yiri mid kamid ah Dhallinyarada Afrika kasoo jeeda ee dagaalka Ruushka iyo Ukraine qaybta ka ah.

Dowladda Ukraine ayaa horay Dhiggeeda Russia ku eedeysay in ay adeegsanayso Ciidamo Qaaradda Yurub ka baxsan oo Caloosh u shaqaystayaal ah, waxa ay marar kala duwan soo bandhigtay Maxaabiis ay ku sheegtay in ay ku qabatay furimaha Dagaalka.

Arrintu waxa ay sii xooggaysatay kaddib markii Dowladda Kenya ay gacanta ku dhigtay shabakado ka shaqeeya tahriibinta Dadka la gaynayo Ruushka kuwaas oo la ogaaday in la askaraynayo marka la geeyo Moscow inkasta oo uu Ruushku beeniyay eedahaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Diyaaradaha F16 ee Turkiga oo Muqdisho ku sameeyay Dhoolatus Ciidan

Read Next

Hay’adda NIRA oo in ka badan 38,000 oo qof oo Barakacayaal ah siisay kaarka aqoonsiga qaranka