MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Kooxda reere Spain ayaa markii seddexaad oo xariir noqotay kooxda adduunka kadib markii ay ku guuleysatay Club world cup oo Finalkiisa ay 4-1 ku garaacday kooxda reer carbeed ee Al Ain.
Goolka hore ee camaaliqada madrid waxaa daahfuray Luka Modric daqiiqadii 14aad ee ciyaarta, xiddiga ugu wanaagsan adduunka ayaana darbad xoogan dabamariyay goolhaye Khalid Eisa.
Los blancos goolasha kale waxay kaga mahad celiyeen, Marcos Llorente oo dhaliyay goolkii labaad ee Real kaasoo ahaa goolkiisii ugu horeeyay ee Taariikhda uu u dhaliyo kooxdiisa iyo kabtan Ramos oo kii seddexaad dhaliyay goolka 4-aadna iyaga ayaa iska dhaliyay.
Ciyaarta ayaa ugu dambeyn 4-1 kusoo dhamaatya waxaana Koobkiisii ugu horeeyay Real Madrid kula guuleystay Tababare Santiago Solar.
