Real Madrid oo dalab kale ka gudbisay Mauro Icardi.

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa wuxuu wali doonayaa in uu garoonka Santiago Bernabéu ka fasaxo goolhaayaha xulka qaranka Costa Rica ee Keylor Navas.

Florentino Perez ayaa wuxuu doonayaa in Keylor Navas uu qeyb kaga dhigo qorshaha uu ku doonayo in kooxda reer Talyaani ee Inter Milan uu kala soo saxiixdo Mauro Icardi.

Mauro Icardi ayaa ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga iyo guud ahaan aduunka.

Si ay u helaan saxiixa Mauro Icardi, Real Madrid ayaa u bandhigtay kooxda Inter Milan aduun lacageed dhan 50 million euros iyo sidoo kale adeega Keylor Navas, sidaas waxaa laga soo xigtay wargeyska reer Spain ee Don Balón.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Read Previous

Juventus oo diiday in Miralem Pjanić ay ka iibiso Real Madrid.

Read Next

Baarlamaanka Puntland oo kala tagaya bisha soo socota