Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya
Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal kaas oo noqday saxiixii 4-aad ee ay kooxda la soo saxiixatay xagaagan.
Xiddigan ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Camp Nou isaga oo ay haatan u hartay in uu xiddigu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.
Vidal oo ku biiristiisa Barcelona ka hadlaya ayaa yiri” Run ahaantii waan ku raaxaystay wakhtigaygii Bayern Munich waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo kooxda in ay i siisay fursad kale oo aan tartan cusub ka doonto Barcelona”.
Barcelona ayaa saxiixa xiddigan ka afduubatay kooxda Inter Milan kuwaas oo si weyn ugu dhaweyd adeegiisa sidoo kale muddo dheer ku raad joogtay.
Vidal ayaa kooxda Bayern Munich ku soo biiray sanadkii 2015 isaga oo kaga soo biiray Juventus waxana uu ku guulaystay 3 koob oo Bundesliga ah.
Kooxda Barcelona ayaa adeega xiddigan u dhaqaaqday si ay ugu buuxiso booskii ay baneeyeen xiddigaha Paulinho iyo Andres Iniesta kuwaas oo xagaagan ka tagay kooxda.
Wargayska Marca ayaa sheegaya in qiimaha lacageed ee u Vidal ugu soo biiray Barca uu yahay 20 milyan oo euro iyo 3 milyan oo guno ah.
