Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Kooxda Arsenal ayaa hishiis cusub ka saxiixay da`yarkeeda Alex Iwobi , waxa ayna tani daaqadda ka saartay warar sheegayay in laga yaabo in laacibka ka huleelo kooxdaas.
Hishiiskaas cusub ayaa gaaraya muddo 4 sanno ah waxa uuna kooxdaas la sii joogayaa illaa iyo xagaaga 2022-ka.
Macalinka cusub ee kooxda Arsenal ayaa ka shaqeeyay in laacibkaas hishiis cusub laga saxiixo isaga oo sheegay in uu sanadaha soo socda uu noqon doono halboolaha kooxdaas.
Weraryahankan ayaa ka tirsanaa akdeemiyadda Arsenal tan iyo markii ay da`diisa aheyd 9-ka sano waxa uuna illaa haatan kooxda 1-aad ka soo muuqday 98 kullan.
Xilli Ozil iyo Granit Xhaka ay kooxda u saxiixeen hishiisyo cuusb sanadkaan hadana mustaqbalka laacibka kale ee Ramsey ayaa weli mugdi ku jira iyadoo uu diiday in uu saxiixo hishiis cusub.
Laacibka reer Wales ayaa ku jira sanadkiisa ugu damabeeyay ee hishiiska uu kula joogo kooxdaas ka dhisan waqooyiga London.
