RW Xamsa oo bogaadiyay isbaddelka uu sameeyay Maamulka Waqooyi Bari
Wararka naga soo garaya xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay xafiiskiisa kala baxeen Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas Mukhtaar Mahad Daa’uud.
Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamo watay Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Axmed Cali Daahir ay u tageen Wasiirka kana diiday in uu raaco.
Intaas kaddib sida ay Mustaqbal radio u sheegeen shaqaalaha wasaaraddu wasiirka ayaa isku xiray Xafiiska waxaana xigtay Rasaas kooban.
Ugu dameyn Wasiirka ayaa laga saaray Xafiiska waxaana lagu kaxeeyay Gaari ay wateen Ciidanka iyaga oo la aaday laanta Dambi baarista ee C.I.D lamana sheegin ilaa hadda waxa lagu heysto.
Ilo ku dhow wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in Mukhtaar Mahad Daa’uud loo haysto saddex eed oo kala ah
- Musuqmaasuq maaliyadeed
- Amar-diiddo baaritaanka hanti-dhowrka iyo Qasnad la xiray oo uu jebiyey
- iyo maxkamadda oo markii looga yeeray uu diiday in uu tago
