MW Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furaya Shirweynaha Badaha Soomaaliya
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka mid ah Ciidamada gaarka ah ee Soomaaliya ee loo yaqaanno DANAB.
Ciidamadan ayaa lagu tababaray Xerada TurkSOM ee Muqdisho oo ay muddo tababar ku qaadanayeen.
Waxaa ay tiradoodu gaareysaa 330 Qof oo isugu jira Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidan iyo shaqaale ka mid noqonaya Ciidanka Lugta ee Soomaaliya.
Munaasibadadda Ciidamadaas tababarka loogu soo xirayay waxaa joogay Wasiirka Difaaca Soomaaliya, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Duqa Muqdisho.
Ciidamadan ka qeybta ah kumaandoosta Soomaaliya ayaa ku biiraya Ciidanka DANAB oo uu saldhiggooda hadda yahay Taliska Ciidanka Cirka ee Balli doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha hoose.
Dhawaan Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Ciidamada DANAB ay tiradooda gaarsiineyso ilaa 3,000 oo Askari.
Dowlada Turkiga ayaa dardar-gelisay tabaridda ciidamada iyo Saraakiisha Jamhuuriyadda Soomaaliya gaar ahaan ciidamada sida gaar ka ah u tababaran ee kumaandoosta
Billowgii 2017 ayay ahayd markii ay dalka soo gaareen 18 Sarkaal oo Kumaandoos ah kuwaas oo Turkiga ku soo qaatay tababar sare oo kusaabsan sida madaxda loo illaaliyo.
Ciidankan oo ahaa kii ugu horeyay ee kumaandoos ahaan loo tababaray ayaa mudo 3 sano ah kusoo qaatay dalka Turkiga iyada oo saraakiishan qaarkood ay Barayaal ka yihiin Dugsiga tababarka ee Turksom
