Ra’iisul wasaare Xamse oo xaqiijiyay in Turkiga wado dhismaha saldhig Satelite hawada lagaga diri karo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Xukumada Federaalka Soomaliya Xamse Cabdi Barre ayaa markii ugu horeysay xaqiijiyay qorshaha dowlada Turkiga oo ku aadan in ay Somaliya ka dhisayso Saldhig setelite ah.

Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu Ra’iisul wasaaraha jeediyay ayuu ku sheegay in Soomaaliya noqon doonto wadankii ugu horeeye ee muslim ah iyo  Afrikaan ah oo Satelite u diray.

“Turkiga iyo Soomaaliya waxaa ay ka wada shaqeynayaan mashaariic kala duwan,  hadda waxaa socdo mashruuc waa weyn oo uu kamid yahay dhismaha saldhig Satelite ah looga dhisaayo dalka, Soomaliya waxa ay noqon doontaa mustaqbalka dhow wadankii ugu horeeye ee Muslim iyo Afrikaan oo Satelite tuuro”ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamse.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa ku soo aadaya xili ay soo baxaayan warar ku aadan in dowladda Turkiga ay wado qorshe ay Soomaliya uga dhisaneyso  saldhig laga tuuro Satelite Turkiga.

Mustaqbal

 

MM Staff

Read Previous

Diyaaradaha Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay gudaha Yemen

Read Next

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay bannaanka Xirada Iskuul Booliisiya ee Muqdisho