Diyaaradaha Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay gudaha Yemen

Mareykanka ayaa duqeymo dhowr ah ka fuliyay Yemen, gaar ahaan goobo ay maamulaan Ururka Xuutiyiinta oo gacan saar la leh dowladda Iiraan.

Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in duqeymadaan lagu beegsaday shan goobood oo hubka dhulka hoostiisa ah lagu kaydiyo.

Austin ayaa xusay in duqeymaha lagu garaacay xarumahaas ay muhiim u yihiin ka hortagga Xuutiyiinta, oo hubkaas u adeegsada beegsiga maraakiibta rayidka iyo militariga ee gobolka.

Mareykanka ayaa Xuutiyiinta Yemen uga digay weerarada ay ku hayaan maraakiibta, isaga oo tilmaamay in ay dhaawac ku yihiin amniga gobolka iyo kan caalamka.

TV-ga Xuutiyiinta ee Al Masirah ayaa sheegay in duqeymo dhanka cirka ah ay ka dhaceen agagaarka caasimadda Yemen ee Sanca, oo ay kooxdu haysay tan iyo 2014-kii, iyo agagaarka halka ay ku xooggan tahay ee Sacda. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Wafdi sare oo ka socda QM oo soo gaaray Muqdisho, iyaga oo kulan la leh Madaxda Sare ee dalka

Read Next

Ra’iisul wasaare Xamse oo xaqiijiyay in Turkiga wado dhismaha saldhig Satelite hawada lagaga diri karo Soomaaliya.