Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa gaaray caasimadda dalka Serbia ee Belgrade.
War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in safarka wafdiga la xiriiro xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Serbia.
“Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Serbia ayaa ka wada hadli doono arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin iskaashiga ganacsiga, wada-shaqaynta dhinaca amniga, iyo is-dhaafsiga tacliinta iyo dhaqanka” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ra’iisul wasaare Xamse tababar u soo xiri doono ciidan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo diyaariyay sugida Amniga dalka.
Mustaqbal
