Bariga Afghanistan ayaa wajahaya masiibo bani’aadannimo kadib markii dhulgariir xooggiisu gaarayay 6.0 uu ku dhuftay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay ee gargaarka (OCHA).
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in in ka badan 800 qof ay geeriyoodeen, halka tiro badan oo kale ay ku dhaawacmeen.
Dhulgariirka ayaa sababay burbur baahsan, isagoo ruxay guryo iyo dhismayaal lagana dareemay caasimadda Kabul iyo magaalada Islamabad ee dalka Pakistan.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in tuulooyin dhan gebi ahaanba la waayay, dad badanna ay wali ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Helikobtarrada gurmadka ayaa la geeyay si loo soo badbaadiyo dadka ku go’doonsan meelaha fogfog oo aan si fudud loo gaari karin.
Goobjoogayaal ku sugan halka musiibadu ka dhacday ayaa sheegay in tuulooyin buuxa dhulka la simay, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu baarayo dad ku xayiran dhagaxaanta iyo qashinka dhismayaasha.
Qaramada Midoobay iyo hay’adaha kale ee samafalka ayaa ku baaqay gargaar degdeg ah si loo caawiyo dadka ay saameeyeen musiibadan.
Mustaqbal
