Qoyska Maareeyihii Dekadda Boosaaso oo shaaciyay xilliga la aasayo

Qoyska uu ka dhashay Maareeyihii hore ee Dekadda Magaalada Boosaaso Paul Formosa, ayaa shaaciyay waqtiga la aasayo Paul oo billowgii bishan lagu dilay Magaalada Boosaaso.

Paul Formosa, oo ahaa Maareeyaha Dekadda Magaalada Boosaaso ee Sharikadda DPWorld ee laga leeyahay Imaaraadka ayaa waxaa toogtay qof ka tirsan Al-shabaab.

Maamulka Puntland ayaa sheegay in qof loo qabtay dilkaasi uu Isbitaalka ku geeriyooday isaga oo dhaawac ah.

Qoyska Paul Formosa ayaa warbaahinta uga mahad celiyay sida ay u ilaaliyeen xogta la xiriirta dilkiisa,xilliga laga qaaday Soomaaliya ee la geeyay dalkiisa iyo waliba in xogta ku saabsan meydkiisa ay uga dambeeyeen qoyska oo kali ah.

Xubno ka mid ah qoyska Paul Formosa, ayaa sheegay in Khamiistii la soo dhaafay lagu celiyay Dalkiisa Malta, islamarkaana Isniinta soo socota lagu aasayo Kaniisadda ST Anne ee Magaalada Marsaskala ee Dalka Malta.

Xarakada Al-shabab ee Soomaaliya ayaa sheegtay mas’uuliyadda dilka Paul Formosa, oo ahaa Maareeihii Dekadda Boosaaso oo wakiil ka ahaa sharikadda DPWorld.

Mustaqbal media

Read Previous

Wasaaradda Qorsheynta Somaliya oo ka hadashay habka Somaliland uga qeyb geleyso qorshaha Qaranka

Read Next

Somalia deploys Federal Police to fulfill AMISOM cut back bases