Qorshe ka dhan ah dagaalka uu doonayo Netanyahu oo ka dhex billowday Israa’iil

Magaalooyinka ay Israa’iil ay xoogga ku haysato waxaa ka billowday qorshe ka dhan ah Raafka ama qafaalka Xukuumadda Benjamin Netanyahu ku samayneyso dhallinyarada kasoo jeedda Yuhuudda xagjirka ah si ay qayb uga noqdaan dagaalka uu rabo in uu dib u billaabo.

Isu soo baxyo ka dhan ah raafkaas ayaa ka billowday goobaha lagu xareeyo Ardayda la baro culuumta loo dhigo Yuhuudda Mayalka adag sida ay ku warrantay qaar kamid ah Warbaahinta ku hadasha Afka cibriga oo arrintaan ka hadashay.

Qaar kamid ah macallimiinta goobahaas wax ka dhiga ayaa sameeyay isku day toos ah oo ay Ardaydu uga reebayaan ka qaybgalka dagaallada maadaama ay jiraan dhallinyaro badan oo si qasab ah loogu dagaalgeliyay dhowaan.

Sheekadaan waxa ay bannaanka timid kaddib markii xeryaha ciidanka Israa’iil ay isaga soo baxeen dhallinyaro Yuhuudda fog ah kuwaas oo si qasab ah loogu xareeyay halkaas si ay qayb uga noqdaan dagaallada ka dhanka ah Falastiin.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Donald Trump oo ku dhawaaqay tirada Qaxootiga Dalkiisa qaadanayo sanadka 2026

Read Next

Isreeb-reebka koobka Qaramada Afrika & Xulka 17 jira Soomaaliya galay qaanadda (A)