Qoorqoor: Waxaan banneeyey xilka Wasiiru-dowlaha wasaaradda Howlaha guud ee XFS!

Musharaxa xilka madaxweyne ee dowlad-goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo ahaa wasiir-dowlaha wasaaradda howlaha guud ayaa iska casilay xilkii wasaaraddaas kaddib safar uu ku tegey magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug.

Qoorqoor oo ay harreer fadhiyeen xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed,  Senator  Yuusuf Geelle Ugaas-Dhegey iyo Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer)  ayaa sheegey in uu banneeyey xilka Wasaaradda una gudbiyey raisalwasaare Kheyre in iscaislaaddiisa.

Iscasilaadda Qoorqoor maxay kadhigan tahay?

Inkasta oo ay suuragal tahay in uu wajaho tartan adag sidii looga bartay doorashada Galmudug haddana waxa uu muujiyey in uu haysto kalsooni iyo taageero dheeri ah oo ay dadka faalleya doorasada Galmudug u arkaan in inteeda badan ay ka imaaneyso dhinaca xukuumadda iyo taageerayaasheeda.

Musharax Axmed Cabdi Kaariye  waxaa kula tartamaya xilka madaxweynaha Galmudug ugu yaraan 3 Musharax oo kale kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Kamaal Daahir Guutaale iyo Cabdi dheere.

Dad badan waxa ay aqabaan in hardanka ugu badan uu dhexmari doono Qoorqoor iyo Odowaa taasna waxa suuragal ah in ay xagga dambe ka riixayaan awoodaha siyaasadeed ee federaalka sida xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka.

Mustaqbal-Dhuusamareeb

General Editor

Read Previous

8 Shardi oo lagu xiray xildhibaanada u tartamaya guddoonka Baarlamanaka Galmudug.

Read Next

Duqa Mgaalada Gaalkacyo Oo Kasoo Horjeestay Xilka Qaadistii Uu Xaaf Ku Dhawaaqay