Baarlamaanka Waqooyi Bari oo ansixiyay qaraar ka dhan ah Maamulka Waqooyi Galbeed
Guddiga doorashooyinka Baarlamaan-goboleedka Galmudug ayaa soosaatay Shuruurd ay tahay in uu kasoo baxo xildhibaanka doonaya in uu u tartamo kamid noqoshada guddoonka Baarlamaanka Galmudug.
Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Cabdinaasir Aadan Cusmaan ayaa Illaa hadda waxa ay isu sharraxeen xilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, labada xildhibaan ayaa taageero ka kala helaya xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka qaarkood, waxaana socda abaabul ay wadaan dhammaan dhinacyada kala taageersan.
Guusha iyo guuldaradda xildhibaan Dr. Maxamed Nuur Gacal waxa ay hordhac u tahay sida ay xukuumaddu ugu guuleysan karto in ay Galmudug ku ogaato madax taageero siin kartaa doorashada 2021 sida ay qabaan dadka falanqeeya doorashooyinka Galmudug oo ah kuwo aad u adkaada dhinaca tartanka.
Haddaba guddiga doorashooyinka Baarlamaan-goboleedka Galmudug ayaa maanta oo Talaado ah waxa uu soosaaray 8 qodob oo ay tahay in ay soo buuxiyaan xildhibaanada u taagan xilka guddoonka Baarlamaanka.
halkan hoose ka aqri shuruudaha guddoonka Baarlamaanka Galmudug

