QM oo Madaxda Federaalka & DG ugu baaqday in ay sii wadaan wadahadalka u socda.

qaramada midoobey

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa lagu bogaadiyay wadahadalka Madaxda Federaalka ee muddo xileedka ka dhammaaday, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir u socday 3-dii & 4-dii April 2021 balse maanta hakadka la geliyay.

Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweysay dedaalkaas socda maadaama lagu raadinaya xalka caqabadaha hortaagan qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya oo heshiiskii 17-kii September 2020 maalintii la saxiixay laga joogo 200 oo cishe.

UNSOM ayaa soo jeedisay in lasii wado wadahadalka maanta hakadka galay si ay wadatashiyo usoo sameeyaan Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir oo berri oo Talaado ah 6-da April 2021 markale isugu tagaya Taandhada Afisiyooni.

“Bahda Qaramada Midoobey ee Soomaaliya waxa ay boorriyeen joogitaanka hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan kuwa xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ee ka qeybgalay shirarkii horu-dhaca ahaa ee albaabadu u xirnaayeen ee wadatashiga, kaas oo Muqdisho ka dhacay 3-4-tii Abriil” ayaa lagu yiri Qoraalka UNSOM.

“Waxaan fahansannahay in madaxdu ay qorsheynayaan in ay sii wadaan wadahadalkooda, waxaan ku boorrinayaa in ay heshiis ku gaaraan wadahadalladan muhiimka ah” ayaa lagu soo gaba-gabeeyay qoraalka kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya.

Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa hoggaamiye u ah wakiilada Beesha Caalamka ee xoojinaya dedaallada wadahadalka Madaxda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & Gobolka Banaadir si heshiis ay uga gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee saameynta taban ku yeeshay qabsoomidda Doorashooyinka Dalka.

Mustaqbal

MM Editor

Read Previous

Jaamac Qaalib: Isagoo aan dugsi Quraan, iskuul iyo jaamacad dhigan ayuu noqday bare jaamcadeed

Read Next

Coronavirus:-Jabuuti oo laga diiwaan galiyay kiisas cusub!