QM oo ka digtay cunno la’aanta ka jirta Suudaan & khalalaasaha kusii kordhaya Dalkaas

War kasoo baxay Qaramada Midoobay gaar ahaan Madaxa gargaarka Bani aadamnimada ee lagu magacaabo Tom Fletcher ayaa sheegay in xaaladda cunno la’aanta ah ee dalalka kala duwan ee caalamka sii kordhay, waxa uu ka digay in indhaha laga laabto.

Waxa uu Tom tilmaamay in dalal badan oo dhaqaale haysta ay dib u dhigteen taakulada ay siin jireen Dalalka xasaradaha ka jira ee cunno la’aanta ay u dheer tahay colaadaha aan dhammaadka lahayn sida uu hadalka u dhigay.

“Iska indhatirka dhibaatooyinka baahsan ee caalamka ka jira waa kuwa sii kordhinaya walaaca laga qabo in gaajadu baahdo, colaadaha ayaa sal u ah dhibaatooyinkaas oo dalal badan saamayn taban ku reebay” Ayuu yiri, Tom Fletcher, Madaxa Gargaarka bani aadamnimada ee Qaramada Midoobay.

“Waa Waqti naxariista meel la iska dhigay, xadgudubka ayaa indhaha laga laabanayaa, Argagaxgelinta Dadka iyo Kufsiga waa musiibo kale oo intaas dheer, Siyaasiyiinta ku faanaya in ay jarayaan gargaarka waa caqabad kale” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Tom Fletcher oo ah Madaxa gargaarka bani aadamnimada ee QM.

Meelaha Qaramada Midoobay ay warbixinteeda ku xustay waxaa kamid ah Magaalada Gaza, Suudaan, Haiti, Ukraine, Myanmar iyo Dalal kale, waxa ay u dalabtay in loo uruuriyo ugu yaraan lacag dhan $23 Bilyan oo lagu caawinayo in ka badan 87 Milyan oo qof.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Golaha ammaanka oo fadhi ka leh cusboonaysiinta Howlgalka AUSSOM

Read Next

Ciidanka Danab oo howlagallo ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose