Puntland oo sheegtay in ay dishay 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabab

Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay dileen 15 xubnood oo ka mid ah Xarakada Al-shabaab kaddib howlgal ka dhacay Buuraleyda Calmadow ee degaannada Maamulkaas.

Puntland waxaa ay sheegtay in ay sidoo kale dhaawac u geysteen qaar ka mid ah Ciidamada AL-shabaab ee degaankaas ku sugnaa halkaas oo labada dhinac ay ku dagaallameen.

Ciidamada Puntland ayaa ku faanay in intii uu howlgalka socday ay Al-shabaab kala wareegeen degaannada Madarshoon, Kadin Xangarood,Diindigle iyo meelo kale oo ka mid ah Buuraleyda Calmadow.

Majiro war dhinaca Al-shabab ka soo baxay oo la xiriira sheegashada Ciidamada Puntland ee ku sugan Buuraleyda Calmadow.

 

Mustaqbal media

Read Previous

Jubaland oo amarro ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay Galbeedka Kismaayo

Read Next

Bajaajta oo saddex maalmood laga mamnuucay Baydhaba