Jubaland oo amarro ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay Galbeedka Kismaayo

Maamulka Jubaland ayaa amarro cusub dul dhigay Beelo dhawaan ku dagaallamay Degaan ku yaalla Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Kulan Magaalada Kismaayo ay ku yeesheen maas’uuliyiinta Jubaland ayaa laga soo saaray qodobo dhowr ah oo lagu sheegay in colaaddda lagu xakameynayo.

Qodobada ka soo baxay waxaa ka mid ah;

1-In qeybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ee dowlad goboleedka Jubbaland ay baaris dhab ah ku sameyso dambiyadii dhacay cida ku lug leh iyo nuxurka waxa keenay dagaalka labada beelood.

2-In tuulada dagaalka uu ka dhacay la joojiyo dhismaheeda ilaa amar dambe,iyada oo tira koob rasmi ah lagu sameynayo waxa hadda ka dhisan.

3-In la soo qabto  sharcigana lahor-keeno dadkii ku lugta lahaa ama ka dambeeyey dagaalka sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ah ee dhex maray labada beelood.

Mustaqbal media

Read Previous

‘Non-Somalis in hiding’ in Ethiopian city

Read Next

Puntland oo sheegtay in ay dishay 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabab