Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Maamulka Somaliland islamarkaana bilo ka hor ka goostay maamulkaas ayaa sheegay in Puntland ay siisay saldhig ciidan oo uu ciidan ku tababaranayo.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Korneyl Caarre oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Qardho ayaa sheegay in Puntland ay siisay Saldhig uu ku tababaro Ciidan uu sheegay in uu ku xoreynayo Somaliland.
Ninkan ayaa Somaliland ku eedeeyay qabyaalad iyo in maamulka aan loo sinneyn sidaas darteedna uu ka goostay Ciidamadii uu ka midka ahaa.
Korneyl Caarre ayaa sheegay in uu ilaa hadda yahay qof Somaliland ah,hayeeshee uu diyaar u yahay in uu suuliyo waxa uu ugu yeeray caddaalad darrada degaannada Somaliland.
Waxaa uu xusay in Ciidanka Somaliland uu ku dhex arkay Carruur Agoon ah oo qaadanaya xuquuq iyo kuwo la mid ah oo aan qaadaneyn.
Waxaa kale oo uu sheegay in xilalka ugu sarreeya Somaliland ay hal beel kaliya heysato sidaas darteedna ay tahay wax laga xumaado.
