Puntland oo ka hor timid in ay ka soo qeyb gasho gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay Gogosha wada hadalka ee ay Dowladda Federaalka u fidisay dhammaan maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, iyada oo sheegtay in ay dagaal ku jiraan aysan hadda waqti u hayn.

Wasiirka warfaafinta Puntland oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gogosha ay dowladda federaalka u fidisay ay tahay mid ka timd beesha caalamka, iyaga oo la faray in ay dadka isku keento.

“Xasan Beesha Caalamka baa dadka isku keen ku tiri, Deni waqti ma hayo uu Xasan ku hor fadhiisto, rasaas iyo tuute ayuu qaybinayaa, waa abaan duule dagaal hoggaaminaya.”  ayuu yir, Wasiirka Warfaafinta Puntland.

Hadalkaan wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa ku soo aadeyso xilli dhawaan dowladda Federaalka Soomaaliya ay fidisay gogol looga arrinsanaayo arrimaha masiirka dalka, iyada oo loogu baaqay in ay ka qeyb galaan maamul goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Dowladda Mareykanka oo qiratay in musuq maasuq ka jiro qaar kamid ah Hay’addaha dalkaasi

Read Next

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaary dalka Jabuuti