Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaary dalka Jabuuti

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalkaasi ee Jamhuuriyadda Jabuuti, isaga oo halkaasi kula kulmi doona dhiggiisa Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa kulankooda ugu wada hadli doona arrimaha la xiriira xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ee ka dhexeeya labada dal.

Sidoo kale, intii uu kulanka socda ayaa la filaaya in si gaar ah looga hadli doono dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka.

May be an image of 7 people and dais

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ahaa mid aan la shaacin, iyada oo madaxeynaha dhawaan ku baaqay gogol looga arrinsanaayo arrimha masiiriga dalka, qeybna ay ka noqonayaan maamul goboleedyada dalka iyo siyaasiyiinta mucaaradka.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Puntland oo ka hor timid in ay ka soo qeyb gasho gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh

Read Next

Miyuu Ra’iisul Wasaare Xamse Laascaanood u tagayaa ka hortaga aqoonsiga Somaliland?