Puntland oo hor istaagtay qabashada shir looga hadlayay dhismaha maamulka SSC Khaatumo

Maamulka Puntland ayaa hor istaagey kulan lagu taageeri lahaa dhismaha SSC Khaatumo, kaasi oo la filayay inuu ka dhaco magaalada Ceelbuh ee gobolka Sanaag.

Mas’uuliyiin ka kala socda dowladda Federaalka iyo heer gobol ayaa ku sugna magaalada Ceelbuh, halkaasi oo qorshuhu ahaa in lagu qabto kulamo lagu taageerayo maamulka SSC Khaatumo.

Shirkaasi oo ay ka qeybgali lahaayeen Isimo dhaqameed, Siyaasiyiin, Haween, Dhallinyaro iyo qeybaha kale ee Bulshada deegaanada SSC-Khaatumo, ayaa lagu xoojinayay hannaanka dhismaha maamulkaasi.

Baaqashada shirka ayaa timid, ka dib markii guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, uu halkaasi ka tagey.

Maamulka Puntland weli kama hadlin dhaqdhaqaaqyada ka socda gobolka Sanaag iyo sababaha keenay in ay ciidan dheeraad ah geeyaan halkaasi.

Qoraal dhawaan ka soo baxay Maamulka SSC Khaatumo ayaa lagu baaqay in shacabka gobollada Sool, Sanaag iyo Ceyn ay kamid noqdaan dhismaha dowlad goboleedka cusub iyo tillaabooyinka ay dowladda wado.

Mustaqbal

 

 

 

MM News

Read Previous

Puntland “Shir aynan ogeyn kama dhici karo Sanaag”

Read Next

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xasan Shiikh iyo dhigiisa Masar?