Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
Dowlad Goboleedka Puntland ayaa digniin adag u dirtay dadka Magaalada Boosaaso iyo Ganacsatada magaaladaas.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa sheegay in Ganacsiga Magaalada Boosaaso uu u kireysanyahay wax uu ku sheegay Burcad Diimeed dadka Masaajidda ku dhexdila.
Jeneraal Muxiyaddiin Axmed Muuse ayaa sidoo kale dadka Boosaaso uga digay in ay guryaha ku qariyaan kuwa uu sheegay in amni darrada ka wadaan Magaalada Booaaso.
Jeneraalka ayaa sidoo kkale ku hanjabay in dowlad Goboleedka Puntland ay la wareegi doont guryaha lagu qabto koooxaha falalka amni darrada ah ka wada Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland Soomaaliya.
