Askar Kenyaan ah iyo xubno ka mid ah Al-shabaab oo ku dhintay dagaal dhexmaray labada dhinac

Ugu yaraan Askari Kenyaan ah iyo mid ka mid ah Ciidamada A-shabaab ayaa kku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kadib markii labada dhinac ay ku dagaallameen meel 6km u jirta sohdinta.

Isu duwaha amniga Gobolka Somaalida ee Kenya ayaa sheegay in Al-shabaab ay ka soo gudbeen sohdinta salddhigna ka sameysteen degaanka Dawaduba oo 6km u jirta Sohdinta Soomaaliya.

Dagaalka ayaa shalay ka dhacay meel ku dhow Tuulada Fiino lagu magacaabo oo kulaasha Sohdinta Kenya iyo Soomaaliya.

Maxamuud Biriq ayaa sheegay in Ciidamada dowladda oo ka warhelay saldhigga ay Al-shabaab ka sameysteen degaankaas ayaa weerar ku qaaday,waxaana ku dhintay mid ka mid ah Ciidamada Booliska keydka ee Kenya oo dagaalka ku jiray.

Dowladda Kenya ayaa wali raadineysa labo dhaqtar oo udhashay Cuba kuwaas oo ay sheegtay in ay ku tabeyso AL-shabaab.

Afduubayaasha ayaa dalbaday lacag madaxfurasho ah,waxaana lagu qiyaasay $1,5Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in siyaasaddeeda aysan ku jirin in ay bixiso Madaxfurasho,taas bedelkeedana ay Ciidamadeeda ku howllanyihiin sidii ay u soo furan lahaayeen Dhaqaatiirka Cuba.

Web master

Read Previous

Qaramada Midoobe oo ka digtay Abaar ku dhufuto Soomaaliya.

Read Next

Puntland oo Ganacsatada Boosaaso ku eedeysay in ay Burcad Diimeedyihiin.