Obama oo Trump uga digay Rabshadaha ka dhallan kara dhibaatooyinka ay gaysanayaan Ciidanka ICE

Madaxweynihii hore ee Dalka Maraykanka, Barack Obama oo ka falceliyay rabshadaha iyo dilalka dadka rayidka ah ee ka socda Gobolka Minnesota ayaa dhaliilay howlgalka Ciidanka Socdaalka iyo Kastamka dalkiisa ee ICE ay ka wadaan Gobolkaas.

Barack Obama ayaa musiibo qali jab ah ku tilmaamay dilkii Ciidamada ICE ay u gaysteen Alex Pretti, waxaana uu Madaxweynaha talada haya ee Donald Trump uu usoo jeediyay in uu si hoose u eego waxna uga qabto dhibaatooyinkaas jira.

Obama ayaa arrin aan indhaha laga daawan Karin ku tilmaamay waxa ka socda Gobolka Minnesota isaga oo is dhinac dhigay sharciga la ilaalinayo ee lagu raafayo Dadka sharci darrada ku jooga dalkiisa iyo dhiigga la daadinyo.

“Dadka oo dhan waxa ay si sax ah uga caroodeen muuqaalka shaqaale ICE ah oo waji-xiran iyo Wakiillo kale oo Federaalka ah oo si arxan darro ah u dhaqmaya oo ku howlan xeelado u muuqda in loogu talagalay in lagu cabsi geliyo, lagu dhibaateeyo, laguna kiciyo dadka, tani waa khatar weyn oo dadka & dalka kusoo wajahan” Ayuu yiri, MW hore Barac Obama.

Waa uu sii hadlay waxa uu Hadalkiisa sii raaciyay “Maamulka Trump waxa uu u muuqdaa in uu xiisaynayo in xaaladdu sii xumaato, ma jiro wax baaritan ah oo dhab ah oo lagu samayn doonno arrintaan, waa tallaab si cad uga hor imaanaysa Sharciga”.

Rabshadaha ka socda Gobolka Minnesota ayaa sii xooggaystay, waxaa markaan kusoo biiray Shirkadaha Ganacsiga waa wayn oo Madaxweyne Donald Trump ugu baaqay in uu ka dulqaado ciidamada ICE si dibadbaxyadu u joogsadaan una shaqaystaan.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Kenya oo Ciidamo dheeraad ah gaysay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya

Read Next

Baraf Xooggan oo Dowladda Maraykanka ku qasbay in ay hakiso in ka badan 10 kun oo duulimaad & Xaaladda oo adag