Nuxurka Khudbadaha Madaxda Qaranka ka jeediyeen Magaalada Laascaanood

Madaxda sare ee Qaranka ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Caleemo-saarka Madaaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Hoggaamiyeyaasha Dowlad goboleedka Galmudug & Waqooyi Bari, Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Wakiillo kala socday dalalka Jabbuuti, Turki iyo Sacuudiga, ayaa halkaasi ka jeediyay khudbado dhinacyo kala duwan taabanaya.

Haddaba waa kuwaan Khudbadihii ugu saameynta badnaa ee laga jeediyay Munaasbadda.

“Maanta waxaa halkaan ka cadeenayaa in Waqooyi Bari ay tahay dowlad gobaleed buuxa, waxa ay qeyb ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya, Laascaanood – waa magaalada Midnimada” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh

May be an image of one or more people and dais

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ballanqaaday in dowladda Federaalka fudueyn doonto maxaabiis isdhaafsi ay sameeyaan Somaliland iyo Waqooyi Bari.

Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay in dalka Soomaaliya yahay xor, isla markaasna aan la aqbali karin gardarada Yahuuda iyo aqoonsiga ay sheegeen in ay siiyeen Somaliland.

Dhinaca kale, Ra’iisulw wasaare Xamse oo ka hadlay Munaasabadda ayaa eedeyay qaar kamid Madaxda dowlad goboleedyada ee aan soo xaarin Caleemo saarka.

“Qoorqoor wuu fadhiyaa, Deni ma fadhiyo, Axmed Madoobe Madaweyne uma aqaan ee Deni in uu maanta fadhiyo ayay ahayd.” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Xamse.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta dalka Jabbuuti, Xasan Muumin Barre ayaa sheegay in ay xilli kasta ay garab taagan yihiin Midnimada iyo Madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo yiri  “Dharaarta aad faraxsan tihiin bay annagana noo dhan tahay, Soomaaliya ha midowdo oo ha is raacdo”

Madaxweynaha la caleemo saarey ee Waqooyi Bari ayaa isaguna sheegay in Maamulkiisa ka shaqeyn doono Midnimada dalka, isla markaasna aysan raalli ka aheyn wax kasta oo dhaawacaya Madaxbannaanida wadanka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa adkeeyay in ay garab istaagayaan Maamulka curdanka ee Waqooyi Bari, isla markaasna ay ka shaqeyn doonaan Midnimada dalka.

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “Waxa aan doonaynaa Soomaali mid ah oo isku duuban”

Read Next

Yoweri Museveni oo markii 7 aad ku guulleystay Doorashada Madaxtinimada dalkaasi