MW Suuriya oo shaaca ka qaaday in ay heshiis dhinaca Amniga ah la gaari doonaan Israa’iil.
Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee loo soo gaabiyo NISA ayaa sheegtay in howlgal ay ka fulisay degaanka Farsooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose ay hub ku soo furatay.
Qoraal kooban oo la soo dhigay Barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgalka Farsooleey sidoo kale lagu bur buriyay labo goobood oo Al-shabaab ay dadka Sakada uga qaadi jireen.
Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in howlgalkaasi kaddib labo duqeyn oo ka dhacday Gobolka Al-shabaab looga dilay ilaa 40 xubnood oo ka mid ahaa.

Hay’adda NISA ayaa inta badan baraha bulshada ku faafisa dhacdooyinka la xiriira howlgallada ka dhanka ah AL-shabab ee ay ka fuliso dalka.
