NISA oo sheegtay in ay qabatay Nin Al-shabab xoolaha u ururin jiray

Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal ay ka fulisay degaanka Dugulle ku qabatay sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Qoraal lagu daabacay Bogga Twitterka ee Nabad Sugidda ayaa lagu sheegay in lagu bur buriyay saldhiggii Al-shabaab ee degaankaas sidoo kalena ay gacanta ku dhigeen Howlwadeen Al-shabaab u qaabilsanaa ururinta xoolaha.

Degaanka Dugulle waxaa uu ka tirsan yahay Gobolka Shabeellaha hoose waxaana uu u dhowyahay Tuulada Tooratooroow ee Gobolka Shabeellaha hoose.

NISA ayaa sidan oo kale sheegtay in howlgallo ay ka  fulisay Muqdisho ku qabatay xubanaha Daacish iyo Al-shabab kuwaas oo aysan soo bandhigin.

Ciidamada dowladda iyo kuwa caawinaya ayaa dhowr jeer howlgal ka sameeyay degaanno ka mid ah Gobolka Shabeellaha hoose waxaana ay ku qab qabteen sida ay sheegeen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Mustaqbal media

Read Previous

IMF urges Somalia to sustain reform momentum

Read Next

Shaqaale Dahab ka qodayay Afghanistaan oo geeriyooday