NISA oo hawlgal ka fulisay degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Soomaaliya oo gacan ka helaysa saaxiibada caalamiga ah ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka fuliyay xaafado ku yaalla degmada Bu’aale ee gobolka Jubbada Dhexe.

War-saxaafadeed ka soo baxay Ha’adda NISA ayaa lagu tilmaamay in howlgalka ka dhacay goobo ay ku sugnaayeen Hoggaamiyeyaal ka tirsan AS, halkaasi oo khasaare dhimasho iyo dhaawac ka dhashay.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeynta oo xilli habeen ah dhacday.

Wixii faahfaahin ah ee ka soo kordha duqeynta halkaan kala soco

Mustaqbal

MM News

Read Previous

Codeynta doorashada oo ka socota dalka Uganda, xilli Madaxweyne Museveni wajahayo tartan adag

Read Next

Meydka 21 ruux tahriibiyaal ah oo laga helay beer ku taalla dalka Liibiya