Nicolas Berlanga: Dhalliishu waa qeyb ka mid ah Nidaamka Dimoqraadiyadda!

Danjire Nicolas Berlanga Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in Wasiirka 1 aad ee Xukumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre uu ka hadlay Xoriyada hadalka iyo helitaanka Macluumaadka Wariyayaasha Howlgalada Soomaaliya.

Danjire Nicolas Berlanga ayaa sheegay in kulan Muuqaal ah oo Xubnaha Beesha Caalamka la qaateen Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu kala hadlay Xoriyada hadalka.

Nicolas Berlanga ayaa bartiisa Twitter-ka kudaabacay sidan: Dhalliishu waa qeyb ka mid ah Nidaamka Dimoqraadiyadda,  xadaynta xoriyadda hadalku ma noqon karto masiibo kale oo safmar ah” 

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Amb Nicolas Berlanga  oo hadlaya ayaa sii hadlay ayaa yiri “Haddii suxufiyiintu macluumaadka qaldan baahiyaan, xabsi ama xiritaan ma ahan khiyaar ”.

Safiirka ayaa xubnaha beesha Caalamka kula taliyay in ay sii wadaan wadashaqaynta, isku duwidda, dadaallada wadajirka ah ee lagu xakamayno xanuunka Coronavirus oo maalinba maalinta ka dambaysa ku sii faafaya Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay caburin ku hayso Saxafiyiinta Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta ka aragtida duwan, iyada oo Urada Saxaafada ay ka dalbadeen Dowladda Faderaalka Soomaaliya in ay sii dayso wariye Maxamed Cabdiwahaab Ajuuba in ka badan 46 maalin u xiran hay’adda Nabad sugida Soomaaliya.

MM Staff

Read Previous

Ethiopia: Unaccompanied Eritrean Children at Risk.

Read Next

Guddoomiyaha Maxkamadda sare oo shaqada ka joojiyey guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir!