Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada
sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen xubno sare oo kamid ah garsoorka gobolka Banaadir Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa shaqadii ka joojiyey Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse Macalin Maxamed, isaga oo sii hanyta xilka Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir u magacaabay Cabdisalaan Macalin Cabdi Guure, guddoomiyaha maxkamadda degmada Howlwadaag.

Shaqo ka joojinta Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Muuse Macalin ayaa dabaosocta muran muddo soo taxnaa oo u dhexeeyey labada guddoomiye kaas oo salka ku haya arrimo la xiriira maamulka maxkamadda iyo socodsiinta dacwooyinka ku saabsan hantida ma guurtada ah.
Inkasta oo aan weli la dhisin guddiga adeegga garsoorka haddana Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu Qaanuun ahaan awood u leeyahay in uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiyaha maxkamadda gobolka hayeeshee ma awoodo in uu sameeyo xil ka qaadista guddoomiyaha Maxakamadda gobolka
Mustaqbal
