Netanyahu oo lagu eedeeyay in uu Israa’iil ku badiyay cadawgeeda

Xubno katirsan Mucaaradka kasoo horjeeda Siyaasadda Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa hoggaamiyahaas ku dhaliilay in uu kordhiyay cadawga ay leeyihiin kaddib markii weerarro aan loo meel dayin ay ku qaadeen dalal badan.

Warbaahinta u janjeerta dhinaca mucaaradka oo la hadashay qaar kamid ah xubnahaas ayaa sheegtay in aanay ku faraxsanayn Shacabka Israa’iil weerarrada marba dhinac ay ku qaadayso waddamada kala duwan ee bariga dhexe.

Mowjadaha ay dhex dabaalanayso Israa’iil waa in ay iska ilaalinayso Iiraan, Yemen, Lubnaan, Suuriya iyo dalal kale oo carbeed oo ay ka fulisay weerarro duqeymo ah kuna beegsatay xubno katirsan Xamaas balse qaarkood aanay dilin.

Weerarkii Dooxa ay Israa’iil ka fulisay shalay waxa uu culays horleh saaray Xukuumadda Benjamin Netanyahu, Maraykanka oo ah dalka dhaqaalaha ugu badan siiya Yuhuudda ayaa ku dhaleeceeyay weerarkaas.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Ciidamada Kenya oo adkaynta amniga xeryaha ay ku leeyihiin Soomaaliya u adeegsanaya Drones

Read Next

Norway oo 79 sano kaddib ku badisay in ka badan 10 gool!