Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa jawaab qalbi jab ah kala kulmay Saraakiisha uu u xilsaaray in ay ka shaqeeyaan duullaanka uu damacsanaa in uu ku qabsado Magaalada Gaza ee dhulka Falastiin.
Saraakiishaan oo ah khubarro militari ayaa si toos ah Netanyahu ugu sheegay in uu ka fogaado damaca waalaya ee ah qabsashada Magaalada Gaza oo taas baddelkeeda xoogga saaro heshiis nabadeed oo maxaabiis is dhaafsi ah.
Xubno katirsan Xisbiga Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil ayaa dhankooda xoojiyay soo jeedinta saraakiisha oo waxa ay sheegeen in Magaalada Gaza oo ay ku faafaan ay kala dhantaali doonto awoodda isku xiran ee ciidankooda.
Waxa ay intaas ku dareen in marweliba oo dagaalka waji kale yeesho uu khasaaraha kasii kordhayo inta uu haatan gaarsiisan yahay sidaas awgeed loo baahan yahay in wadahadal iyo xeelo kale oo farsamo in la adeegsado.
Netanyahu ayaa u muuqda in uu ku keli noqday furinta dagaalka mar haddii Saraakiisha shaqeyneysa, kuwa howlgabka noqday, Siyaasiyiinta Mucaaradka ah iyo xubnaha muxaafadka ah ee xisbigiisa katirsan ay diidan yihiin duullaan cusub.
Mustaqbal
