Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka
Koox hubeysan ayaa xalay Magaalada Baladweyne ku dilay Nabaddoon lagu magacaabi jiray Cismaan Yuusuf Ciiley.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Howlwadaag ee Galbeedka Magaalada Beledweyne,waxaana goobta isaga baxsaday kooxda dilka geysatay.
Dilka kaddib Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee jooga Beledweyne ayaa billaabay howlgal ay ku baadi goobayaan kooxda dilkaas geysatay.
Ma jirto ilaa hadda cid loo soo qabtay dilkaas,waxaana saaka xaafadda Howlwadaag ka socda howlgal ay sameynayaan Ciidamada amaanka.
