MW Xasan Sheekh: Way muuqataa waxa ay Dowladda Turkiga ku biirisay Awoodda Ciidankeenna & Aqoonta Dadkeenna

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyay garab istaagga Turkiga ay u muujisay Soomaaliya, waxaana uu tilmaamay in ay ka dhex muuqato taageerradaas Ciidanka iyo dhinacyo kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Turkigu uu door muuqda uga soo baxay Soomaaliya, sidaas awgeed ay marweliba ay dhankooda xoojinayaan Iskaashiga Labada Dal si loo adkeeyo Xiriirka ka dhaxeeya.

“Way muuqataa waxa ay Dowladda Turkiga ku biirisay Awoodda Ciidankeenna & Aqoonta Dadkeenna, waxa ay qayb ka tahay taariikhda casriga ah ee xiriirka labada Dal, Ciidanka Turkiga inoo tababaray waxa ay kamid yihiin kuwa ugu dhiirran” Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu intaas ku daray in aanay jirin wararka laga sheegay Turkiga ee la xiriira in uu saldhig Militari ku leeyahay Soomaaliya, waxa uu xusay in goobta inta badan la sheego ay tahay xero lagu tababarro ciidanka Soomaaliyeed.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Turkiga oo Soomaaliya u tababarayo Aqoonyahannada ka shaqayneysa Shidaalka Dalka

Read Next

Horyaalka Ingiriiska EPL oo caawa lagu furayo, Arsenal vs Coventry City oo 25 sano kaddib kulmaya!