Turkiga oo kordhiyay Ciidamada iyo Tirada Maraakiibtooda ku sugan Xeebaha Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhigiisa Dr. Samia Suluhu Hassan, oo ninkeedii, Hafidh Ameir Hassan, uu ku geeriyooday dalka Tansaaniya.
Qoraal uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku baahiyay bartiisa X ayuu ku sheegay inuu murugada la qeyb sanayo dhammaan qoyska iyo shacabka dalka Tansaaniya.
“Anniga oo ku hadlayna magaca Shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, waxaan halkan tacsi tiiraanyo leh uga diraynaa walaasheen, Madaxweyne Samia Suluhu Hassan. Waxaan la qaybsanaynaa xanuunka iyo murugada ay dareemayaan qoyska madaxtooyada iyo dhammaan shacabka Tansaaniya.” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Isagoo sii hadlaya ayuu yiri “Soomaaliya waxay xilligan adag garab taagan tahay walaalahooda Tansaaniya”
Hafidh iyo Samia waxa ay isku dhaleen afar carruur oo kala ah saddex wiil iyo gabadh, inantaas oo kamid ah xubnaha Golaha Wakiillada Zanzibar, waxa uu ahaa nin inta badan ka fogaaday Siyaasadda iyo Warbaahinta isaga oo ku mashquulay howlihiisa kale ee caadiga ah.
Mustaqbal
