Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa oo ka hadlay socdaalkiisa qaar kamid ah Dalalka Afrika ayaa sheegay in ujeedka safarkiisa uu yahay in uu dalalkaas u soo bandhigo fursadaha maalgashi ee Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoggaamiyeyaasha Afrika uu kala hadlayo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Dhaqaalaha sidaas awgeed uu xoogga saaray la kulankooda sida uu hadalka u dhigay.
“Waxaan doonaya in aan soo bandhigo fursadaha Maalgashi ee ka jira Soomaaliya, waxaan Hoggaamiyeyaasha Afrika kala hadlayaa sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga Dhaqaalaha” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Hadalkaan waxa uu meesha ka saarayaa hadal-hayn ka dhalatay socdaal Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay maalmo is xig-xigay Dalalka Itoobiya, Jabuuti iyo Masar iyada oo xiisad ka dhex taagan tahay Addis Ababa iyo Qaahira.
Mustaqbal
