MW Xasan Sheekh oo codsaday in dib loogu dhigo furitaanka Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda ka codsaday in dib loogu dhigo furitaanka kalfadhiga 7aad oo berri qorshuhu ahaa sida uu dhowaan guddoonku shaaciyay.

Fariin loo diray Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in furmashada fadhiga uu berri ka baaqday lagana dhigay 29ka Bishaan September oo ku beegan bartamaha todobaadka soo socda.

Sida uu dhigayo qodobka 90aad ee Dastuurka Kumeel-gaarka ah ee Dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa furaya kalfadhiga Baarlamaanka, waxa uu ka jeedinayaa khudbad uu uga hadlayo waxyaabihii u qabsoomay Dowladda muddadii uu baarlaamku fasaxa ku jiray.

Magaalada Muqdisho waxaa aad loo hadal hayaa in uu jiro dhaqdhaaq ay wadaan Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka oo la xiriira Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Dan-Qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Maraykanka oo Golaha Ammaanka kahor istaagay go’aanka Xabad-joojinta Gaza

Read Next

Hormuud Salaam Foundation oo fududeysay Baaris Wadnaha ah oo loo sameeyay in ka badan 230 Bukaan