MW Xasan Sheekh “Doorashooyinkii aan loo dhammeyn ee dalka kasoo dhacay waxaan ka dhaxalnay dhibaatooyin badan oo amni-darro ugu horreysay”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo casuumay duubadkii ka qaybgalay caleemasaarkii Ugaas Cabdirisaaq waxa uu u sheegay in ay Dowladdu ka go’an tahay qabsoomidda Doorasho Dadweyne.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dhibaatooyin laga dhaxlay doorashooyinkii dadbanaa ee aan loo dhammayn ee dalka ka dhacay sida uu hadalka u dhigay isaga oo adkeeyay in Dowladda ay xoogga saaro qabsoomidda Doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu madaxda dhaqanka ka codsaday in ay kala shaqeeyaan rumaynta rajadaas isaga oo tusaale usoo qaatay doorashadii dadweyne ee Caasimadda ka dhacday dhammaadkii sanadkii tagay oo dadka caasimaddu si nabadgalyo ah u galeen una doorteen dadka ay rabaan.

“Waxaan ku adagnahay oo aan marnaba laga tanaasulikarin in dadka soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ee doorashada hoggaamiyaha ay doonayaan 57 sano kaddib. Doorashooyinkii aan loo dhammeyn ee dalka kasoo dhacay waxaan ka dhaxalnay dhibaatooyin badan oo amni-darro ugu horreysay” Ayuu yiri MW JFS, Xasan Sheekh Maxamuud.

Waxa uu hoggaanka dhaqanka ku amaanay kaalinta ay ka qaataan dib u heshiisiinta, Dowlad dhiska, Ilaalinta midnimada Soomaaliyeed iyo sidii uu dalka uga bixi lahaa xaaladihii adkaa ee soo maray, haatan ayuu ka rajeeyay in ay sii kordhiyaan filashooyinka horyaalla.

Mustaqbal

MM Staff

Read Previous

Doorashadii Koofur Galbeed oo dib loo dhigay

Read Next

Laamaha ammaanka ee Waqooyi Bari oo sheegay in uu baarayo Nin ku eedeysan tahriibinta Dhallinyarada